Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Ka Sameeyey Xarunta Madaxtooyada

HomeWararka

Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Ka Sameeyey Xarunta Madaxtooyada

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi ciidamo gaar ah oo katirsan dowlada Soomaaliya ka sameeyeen ho

Shirkadaha diyaaradaha Dalka oo ganaax la kulmaya haddii ay ka dib dhacaan waqtiga duulimaadka
Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir cWaaq (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi ciidamo gaar ah oo katirsan dowlada Soomaaliya ka sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo xubno la tuhmayo in ay xariir la leeyihiin ama la shaqeeyaan Al Shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxa ay xireen rag ay tuhmayaan in wada shaqeyn hoose kala dhaxeyso Al Shabaab, waxaana dadka la xiray ku jiray askar katirsan ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa ku sugnaa xarunta Madaxtooyada.

Dhanka kalena wararka ay Daljir helayso ayaa sheegaya in howlgalka uu wali yahay mid socdo laguna baadi goobayo dad kale oo la tuhmayo, waxaana dadka la xiray laga qaaday moobeelada ay heesteen si loo baaro xariirada ay sameeyeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: