Shirkadaha diyaaradaha Dalka oo ganaax la kulmaya haddii ay ka dib dhacaan waqtiga duulimaadka

Shirkadaha diyaaradaha Dalka oo ganaax la kulmaya haddii ay ka dib dhacaan waqtiga duulimaadka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulan la qaadatay guddiga maamulka shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gudaha dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii isbeddel loogu sameyn lahaa hannaanka saacadaha duulimaadka ee shirkadaha diyaaradaha maxalliga ah , mas’uuliyadda iyo adeegyada ay bixiyaan,kaddib cabasho qodobbada la xiriira oo ka timid Bulshada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in maamulka shirkadaha diyaaradaha Dalka ay isla gaareen , in tallaabo deg deg ah iyo ganaax laga qaadi doono diyaaraddii dib uga dhacda waqtiga duulimaadka.

“ Bulshada waxaa naga saaran mas’uuliyad, waxaan doonaya inaysan dib usoo laaban cabashada ku aaddan waqtiga badan ee garoommada diyaaradaha ay ku sugnaadaan , iyadoo diyaaraddu ku fulinayaan waqtiga ay kula ballantay.” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay,iyadoo intaa ku dartay in shirkadaha lagula xisaabtami doono fulinta qodobbadan iyo adeegyada ay siinayaan Bulshada.

Sidoo kale , Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkadaha diyaaradaha Dalka waxay si wadajir ah u gaareen heshiis lagu ilaalinayo badqabka duulimaadyada dalka.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Sulub Axmed Firin , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah,Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde iyo hoggaanka guddiga maamulka shirkadaha diyaaradaha Dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com