Shil Khasaare Geeystay oo ka Dhacay Duleedka Garoowe

HomeWararka

Shil Khasaare Geeystay oo ka Dhacay Duleedka Garoowe

Garoowe - Shil gaari oo sababay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 4 kale ayaa maanta kadhacay duleedka bari ee magaaladda Garowe ee caasimada Puntland.

Farmaajo: “Waxaan qirayaa in dowladdu ay khaladaad ka gashay Warbaahinta Madaxa bannaan ee dalka”
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Garoowe – Shil gaari oo sababay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 4 kale ayaa maanta kadhacay duleedka bari ee magaaladda Garowe ee caasimada Puntland.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa sababay kadib markii ay isku dhaceen sadex gaari oo labo booyado tahay iyo gaari kale oo ahaa Zuzuke ,sidayna dad shacab ah oo rakaan ah ,kaas oo u socday kaamka loogu magacaabo Washintoon ee bariga magaladda Garowe.

Taliyaha taraafikada Gobalka nugaal, ismaacil Xirsi Qabaal, oo Waraysi gaar ah siyeey Daljir ayaa ka hadlay shilkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, isaga oo sheegay in saddex gaari ay isku dhaceen saaka.

Qabaal ayaa sido kale sheegay in xili robaaka ay dhacaan shilaal kala duwan wuxuuna fariin u diray dhamaan darawalada, isaga oo ugu baaqay in ay gawaarida si masuuliyin ku jirto u wadaan .

Maxamed lakiman oo ku sugan xarunta Daljir Garowe ayuu u waramay taliyahu.

HOOS KA DHEGAYSO

      

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: