Shil Khasaare Geeystay oo ka Dhacay Duleedka Garoowe

Garoowe – Shil gaari oo sababay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 4 kale ayaa maanta kadhacay duleedka bari ee magaaladda Garowe ee caasimada Puntland.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa sababay kadib markii ay isku dhaceen sadex gaari oo labo booyado tahay iyo gaari kale oo ahaa Zuzuke ,sidayna dad shacab ah oo rakaan ah ,kaas oo u socday kaamka loogu magacaabo Washintoon ee bariga magaladda Garowe.

Taliyaha taraafikada Gobalka nugaal, ismaacil Xirsi Qabaal, oo Waraysi gaar ah siyeey Daljir ayaa ka hadlay shilkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, isaga oo sheegay in saddex gaari ay isku dhaceen saaka.

Qabaal ayaa sido kale sheegay in xili robaaka ay dhacaan shilaal kala duwan wuxuuna fariin u diray dhamaan darawalada, isaga oo ugu baaqay in ay gawaarida si masuuliyin ku jirto u wadaan .

Maxamed lakiman oo ku sugan xarunta Daljir Garowe ayuu u waramay taliyahu.

HOOS KA DHEGAYSO

      


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com