Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland HADMA oo ka Digtay Khataraha Cuduro Roobaadka

Garowe waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Maareeyaha hay’adda musiibooyinka Puntland ee HADMA. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa digniin ka soo saaray cudurro ka dhalan kara biyaha roobka gu’ga ee ka curtay guud ahaan Puntland, kaddib abaartii dheerayd ee ku dhufatay Puntland, taasi oo sababtay dhimashada xoolo aad u badan oo weli daadsan biyoareenada.

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Garowe ku qabtay ayuu ku sheegay in roobabkii gu’gu ay maaruqeen degaanno ay xoolo badan ku dhinteen xilligii abaarta,sidaasi darteedna ay tahay in taxaddar dheeri ah laga yeesho biyaha dhulkaasi fariistay,wuxuuna si gaar ah ugu digay dadka reer guuraaga ah ee inta badan ka dhaansada meelaha biyo qabatinka leh.

Maxamed Lakiman


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com