Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Puntland?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Puntland?

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedin iyo waxka bedelka lagu sameeyey maalmaha shaqada Soo-jeedi

Waraysi Siyaasi Maxamed Xaaji: “Puntland hadday doorasho qof iyo cod ah ka dhici waydo dhaqaale dambe la siin maayo”
Waa sidee xaladda Dekadda Bosaaso? (Daawo)
Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedin iyo waxka bedelka lagu sameeyey maalmaha shaqada Soo-jeedin iyo Ansixin khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha u soo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.

Waxka bedelka maalmaha shaqadu wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: