Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Puntland?

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedin iyo waxka bedelka lagu sameeyey maalmaha shaqada Soo-jeedin iyo Ansixin khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha u soo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.

Waxka bedelka maalmaha shaqadu wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com