Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo wadada ka timaada dhinaca isbitaalka Mas

MARTISOOR: Maalinta dhalinyaradda iyo Waraysi AUN Ladane Salax Deer (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Dowladda oo dib ugu soo celisay dalka 124 qof oo kuxirnaa Liibiya Sawiro)

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo wadada ka timaada dhinaca isbitaalka Masaarida, kaas oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa miino wadada hareerteeda la dhigay ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala beegsaday Gaari Ciidan balse uu ka badbaaday, hayeeshee waxaa ku dhintay laba Ruux oo Shacab ah, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo wadada marayay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale, waxaana muddo saacad ku dhow oo wadada ay xireen kadib ay dib u fureen.

Qaraxyada miinada wadada hareeraheeda la dhigo iyo kuwa dhulka lagu Aaso ayaa aad ugu badan Magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer lagu dilay mas’uuliyiin iyo Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: