Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahino laga helayo

HomeWararka

Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahino laga helayo

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Bukure ee hoostaga degma

Puntland oo ka hadashay kisaaski ugu dambeyeey ee COVID-19 dhegayso
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Guddiga doorashooyinka oo maamulada u kala diray agabkii lagu codeyn lahaa

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Bukure ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Al-Shabaab ee degaanka Bukure ee Gobolka Hiiraan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ay ka dhasheen Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo degaanka Bukure ee degmada Maxaas, waxaana dhinacyada ay gurmadyo ka kala helayaan degmada Maxaas iyo degaanka Teedaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada Miilateriga Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana jirtay in bilihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: