Ciidanka DANAB oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,ayaa deegaanada Dooxada Jubba ee Gobolka Jubbada Hoose ka fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab .

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan uu ku dhamaaday si guul leh, isla markaana lagu dilay labo ka mid ah Al-Shabaab ayna jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer u taagan sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen dhibaatooyinka ay ka midka yihiin dhibaatafa ay ku hayaan bulshada ayaa lagu yiri war kasoo baxay DANAB.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com