Guddoomiyihii xisbiga UCID ee Sool oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

HomeWararka

Guddoomiyihii xisbiga UCID ee Sool oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dishay Gudoomiyihii xisbiga Ucid ee Gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax (Af

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka hadlay Xaalada Gobalka Sool
Odayaasha Gaalkacyo oo shirka dhuusamareb war ka soo saaray
Muqdisho: Wasiirka Ganacsiga oo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dishay Gudoomiyihii xisbiga Ucid ee Gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), sidoo kalena mar kamid noqday Golaha degaanka Magaalada laas-caanood.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada laas-caanood, waxaana xilliga la dilayay uu sii galayay Gurigiisa.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dhowr jeer oo hore ayaa Magaalada laas-caanood waxaa lagu dilay dad xilal ka haayay Somaliland, waxaana taasi ay keentay in Somaliland magaalada laas-caanood kasoo musaafurisay Boqolaal qof oo kasoo jeeday degaannada Koonfur Galbeed, hayeeshee weli dilalka ay dhacayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: