Odayaasha Gaalkacyo oo shirka dhuusamareb war ka soo saaray

Odayaasha Gaalkacyo oo shirka dhuusamareb war ka soo saaray

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug oo shir jar’;aaid ku qabtay Magaalada Xeebeedka hobyo ee Gobolkaasi Mudug ayaa waxaa ay shuruud Cusub ku xireen inay ka qeyb-galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo gogoshiisu ay taallo Magalada Gaalkacyo.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa sheegay in iyada oo la tixgelinayo wadajirka iyo midnimada dadka ku nool Galmudug ay isku raaceen in shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb aysan ka qeyb galeyn ilaa uu kasoo dhamaado shirka ka socda Magaalada Hobyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cid alaala cidii shirar ka qeyb gasha inta uu socdo Shirka Hobyo inaysan matalin,sidoo kalena aysan aqoonsan doonin waxyaabaha kasoo baxa shirkaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha Guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalin ka hor tegay Gaalkacyo ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfurta Gaalkacyo,waxana Odayaashaas qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay aqbaleyn ka qeyb galka Shirka Magalada Dhuusamareeb.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com