Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka hadlay Xaalada Gobalka Sool

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee degaannada Puntland gaar ahaan Gobolka Sool oo ay ku muransanyhiin Somaliland iyo Puntland.

Guddoomiye Axmed oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in degaannada Puntland ay inta badan amaanyihiin marka laga reebo dagaalka AL-shabaab iyo xiisadda colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool.

Waxaa uu Axmed Cali Xaashi sheegay in Gobolka Sool xiisadda siyaasadeed ee ka taagan una dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ay ka warqabaan Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay muhiimad gaar ah u leedahay degaannada Puntland gaar ahaan Gobolka Sool ee uu hadda muranka ka jiro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com