Shiinaha oo Geeska Afrika u ballanqaaday in uu ka caawinayo Nabadeynta & horumarinta Siyaasadda

Shiinaha oo Geeska Afrika u ballanqaaday in uu ka caawinayo Nabadeynta & horumarinta Siyaasadda

Ergayga Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing ayaa sheegay in Xukuumadda Beijing ay ka shaqeyneyso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la wadaagto Qaaradda gaar ahaan waddamada dhaca Geeska Afrika.

Waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka caawiso dalalka dhaca Geeska Afrika howlaha nabadeynta, horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo in ay wadajir ula dagaalamaan faragelinta dibadda ee lagu hayo.

Xue Bing ayaa intaas ku daray in dowladdiisa xiriir wanaagsan la leedahay Qaaradda Afrika gaar ahaan Geeska, ka xukuumad ahaan ayuu tilmaamay in ay ka go’an tahay sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa la dagaalanka aragtida ah dagaalka qabow iyo loolanka quwadaha caalamka.

Waxa uu ergayga Beijig u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in qalalaasaha iyo kala qayb-sanaanta gobolka ka taagan sii kordhayso sidaas awgeed aan laga maarmin in la helo xal rasmi ah oo ay raadiyaan waddamadaan dhexdooda.

Shiinaha oo muddo dheer saaxiib dhanka Ganacsiga la ah Afrika ma uusan sameyn tallaabo lamid ah tan uu haatan wado, Beijing ayaa xoogga saareysa in ay ka faaiideysato fursadaha ugu bannaan Geeska Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadkii 2020kii Afrika siisay tallaalka kahortagga Fayruska kasoo billawday Gobolka Wuhan ee Dalkaas, waxa uu Magaalada Addis Ababa geeyay Marada Afka & Sanka daboosha (Face Mask) Jeermis dile & agab kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com