Kooxo Hubaysan ayaa Muqdisho ku dilay Nabaddoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed

Kooxo Hubaysan ayaa Muqdisho ku dilay Nabaddoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Baar Ubax ee magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan Muqdisho iyo Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan oo dhoor nin ahaa ayaa nabadoonka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ay u joogsadeen xilli nabadoonka la sheegay in uu u socday goobtiisa shaqada.

Nabadoonka saakay la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dhawwaan loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal, lamana oga in ciidamada ay dad usoo qabteen dilka nabadoonka loo geestay.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo ergooyin wax kasoo doortay xildhibaanada golaha shacabka, Al Shabaab ayaana horey u sheegtay in ay dili doonaan cid kasta oo kamid noqota ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com