AFar Wariye oo Goordhaweyd lagu Xiray Ceerigabo

HomeWararka

AFar Wariye oo Goordhaweyd lagu Xiray Ceerigabo

Dhalo, Kilwe, Jookar iyo Xidig, ayaa lagu kala magacaabaa wariyaasha lagu xiray Ceerigoobo, kuwaasi oo ka kala hawlgala warbaahinno maxalli ah, kuwo d

Abukar Arman: Dhab-ka-Hadal Ammaandarrada Soomaaliya
Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub

Dhalo, Kilwe, Jookar iyo Xidig, ayaa lagu kala magacaabaa wariyaasha lagu xiray Ceerigoobo, kuwaasi oo ka kala hawlgala warbaahinno maxalli ah, kuwo dibadeed iyo baro bulsho oo qaarkood gooni u leeyihiin.

Ceerigaabo, hadda waxaa ku sugan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka soo qaybgalay shir beeleed maalmo ka socday Ceerigaabo, uuna u yimid gunaanadkiisa, shirkaasi oo ah kan wariyaasha la xiray ay halkaasi u tageen.

Wariyaashaan lagu xiray magaalada Ceerigaabo ayaa illaa hadda si rasmi ah loo ogayn asbaabta xarigooda, inkasta oo uu jiro tuhun ku saabsan mid ahaan wariyaashaasi in Somaliland la xiriirisay ka tirsanaan madaxtooyada Puntland, welise si dhab ah looma xaqìijin karo.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: