Banaanbax Looga Soo Horjeedo Jabhada TPLF oo Ka Bilowday Magaalada Jigjiga (Sawirro)

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Jabhada TPLF oo Ka Bilowday Magaalada Jigjiga (Sawirro)

Dadweyne faro badna oo ka mid ah shacabka ku nool Jigjiga ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyagoo taageero u muujinaya ciidamada Milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda Tigreeyga ee TPLF.

Dadkan banaanbaxaya ayaa waxa ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah jabhada TPLF iyo ereyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF.

Banaanbaxan ayaa ku soo beegmay xilli xalay uu Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cumar la kulmay waxgaradka iyo ururada bulshada Ismaamulka Soomaalida una sheegay inaysan dan ugu jirin in dalka ay qabsadaan TPLF ayna waajib tahay inay ka hortagaan.

Sawirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com