Banaanbax Looga Soo Horjeedo Jabhada TPLF oo Ka Bilowday Magaalada Jigjiga (Sawirro)

HomeWararka

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Jabhada TPLF oo Ka Bilowday Magaalada Jigjiga (Sawirro)

Dadweyne faro badna oo ka mid ah shacabka ku nool Jigjiga ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyagoo taageero u muujinaya ciidamada Milatariga Ito

Gudoomiye degmo oo lagu soo eedeeyay in uu la shaqaynayay Al-shabaab oo Maxkamada la soo taagay (daawo)
Trump oo dib ugu laabtay ololahiisa doorashada.
Soomaaliya oo sodon sano kadib lacagtii ugu horaysay ka heshay Bankiga Adduunka

Dadweyne faro badna oo ka mid ah shacabka ku nool Jigjiga ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyagoo taageero u muujinaya ciidamada Milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda Tigreeyga ee TPLF.

Dadkan banaanbaxaya ayaa waxa ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah jabhada TPLF iyo ereyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF.

Banaanbaxan ayaa ku soo beegmay xilli xalay uu Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cumar la kulmay waxgaradka iyo ururada bulshada Ismaamulka Soomaalida una sheegay inaysan dan ugu jirin in dalka ay qabsadaan TPLF ayna waajib tahay inay ka hortagaan.

Sawirro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: