GEDO: Ciidamada Amniga oo Howlgalo ka wada xaafadaha magaalada

HomeWararka

GEDO: Ciidamada Amniga oo Howlgalo ka wada xaafadaha magaalada

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Gobolka Gedo ayaa xalay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee degmad

Damicii Raila Odinga oo Soodhammaaday iyo Tariikhda Xukun ee Qabiilada Kenya
UFAYN: 8 KM OO LOO SOCONAYO 2 SAAC. SIDEE KU DHACDAY YAA SE UFAYN U MAQAN? (Daawo)
Qaxootiga koonfur Afrika oo magangalyo waydiistay Hay’ada UNHCR (dhegayso)

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Gobolka Gedo ayaa xalay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee degmada Beled-Xaawo ee Gobolkaasi Gedo.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha howlgalinta Ciidanka Nabadsugid degmada Beled-Xaawo Cabdifatax Cumar, waxaana Ciidamada ay ku baarayeen Gaadiidka iyo dadka qaar oo ay ka shakiyaan.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay qab qabteen dad u badan dhalinyaro oo laga shakiyay, kuwaas oo badankood ay Ciidamadu siidaayeen kadib baaritaan dheer oo lagu sameeyay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale indha-indheyn ku sameeyay sida ay habeenkii u Shaqeeyaan goobaha Ganacsiga degmada Beled-Xaawo si qiimeyn loogu sameeyo xaaladda amni ee degmadaas.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Nabadsugid degmada Beled-Xaawo Cabdifatax Cumar ayaa waxaa uu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah looga fulin doono degmada Beled-Xaawo iyo degaannada hoostaga.

Degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaana dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan walow markii dambe laga heshiiyay wixii sababay dagaaladaas

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0