Deni oo Hay’adda FOA kala hadlay kordhinta taageerada arrimaha Beeraha & Xoolaha

Deni oo Hay’adda FOA kala hadlay kordhinta taageerada arrimaha Beeraha & Xoolaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta halkaasi gaartay.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha ee degaannada Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahad celiyay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt taageerada ay siiyaan Somalia gar ahaan Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland kala qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com