Madaxweynaha Somaliland oo sameeyay xilka qaadis & Magacaabis

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland oo sameeyay xilka qaadis & Magacaabis

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Wareegtooyin Madaxweyne Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ugu sameeyey qaar ka mida masuuli

Hal-abuure Da’yar ah Cadde Muxuyadiin iyo Alifaaddiisa (dhegayso waraysiga)
Fannaanadii qaranka Khadiija Dalays oo geeriyootay (dhegayso)
Weriye baaritaan ku hayey cudurka EBOLA oo la Dilay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Wareegtooyin Madaxweyne Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ugu sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, waxaana wareegtada u qorneyd.

Markuu Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markuu Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markuu Arkay: Muhiimadda ay yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u leedahay Dhismaha Xukuumadda uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland in Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

Madxweynaha Soomaliland Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool u bedelay in laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland, halka Guddoomiyihii Gobolka Gibiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar , waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Somaliland sameeynayay xilka qaadis & magacaabis.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: