Weriye baaritaan ku hayey cudurka EBOLA oo la Dilay

HomeWararka

Weriye baaritaan ku hayey cudurka EBOLA oo la Dilay

Weriye u dhashay dalka Dr.Congo oo barnaamijyo gaar ah ka sameenayey feyraska sababa cudurka Ebole ayaa la dilay. Suxufiga oo lagu magacaabayey Pap

Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb galay shirka amniga Qaranka
Siyaasi Siciid Faarax: “Doorshada qof & cod oo ka dhacada Puntland waxey sharaf u tahey Shacabka,”

Weriye u dhashay dalka Dr.Congo oo barnaamijyo gaar ah ka sameenayey feyraska sababa cudurka Ebole ayaa la dilay.

Suxufiga oo lagu magacaabayey Papy Mumbere Mahamba ayaa waxaa dilay koox hubeysan oo aan la garanayn.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Dr.Cono ayaa sheegay in weriyaha la dilay, xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala magaalada webma ee Waqooyi- Bari ee gobolka Ituri.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in la dhaawacay xaaska saxafiga, iyadoo dab la qabadsiiyey gurigiia.

Dad fara badan ayaa la dilay oo baaritaano ku hayey feyraska cudurka Ebola, halka uu ka yimid iyo sababta loo xakameyn waayey, waxna looga qaban waayey.

Saxafiga la dilay ayaa shacabka ka wacyi gelin jiray dhibaatada cudurka Ebola iyo qaabka looga hortagi karo.
Diiewaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: