WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY

WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY

WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY | Magaalada Guriceel oo xalay daganeyd ayaa goordhow uu ka biloowday dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada DF Soomaaliya iyo Ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca (ASWJ). Dagaalka ayaa saaka markii hore ku biloowday rasaas goosgoos ah.

Dagaalkii shalay oo aan weli la ogayn qasaaraha rasmiga ayaa wararku sheegayaan in in ka badan 15 qof ay ku dhinteen labada dhinac, oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo.
Ciidamadda Dowladda ayaa saakay ku waabariistay Saldhiga Booliska, Xarunta Degmadda, Beder 1 iyo dhammaan xaafadaha dhaca koofurta Guriceel.

Ciidamadda Ahlu Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafaddaha dhaca Waqooyiga Guriceel sida Tuulo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax illaa iyo halka loo yaqaan Jaamacadda ee dhacda Waqooyi Bari Guriceel.

Diiwaanka wararka | Radio Daljir
Ayaanle Cabdullaahi Jaamac

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com