Dowladda oo ka hadashay kaluumaysiga sharcidarada ah ee xeebaha Soomaaliya

HomeWararka

Dowladda oo ka hadashay kaluumaysiga sharcidarada ah ee xeebaha Soomaaliya

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo hey’addo kale oo gacan ka helaaya dad Soomaa

Hay’adda Duulista Rayidka oo war kasoo saartay Shaqo joojinta Shirkaddaha duulimaadyada
Dowladda Hoose Garowe oo bur burinaysa Goobaha Sharci daradda ah (dhegayso)
Hordhaca Wareysiga Xildhibaan Dhaashane: Dhaqaalihiisa, xisbiyada & doorashooyinka!

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo hey’addo kale oo gacan ka helaaya dad Soomaaliyeed oo ku howlan kaluumeysi sharci daro ah oo biyaha Soomaaliya ay ka wadaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la dagaalanto kalluumeysiga sharci darrada ah oo Shirkadaha Shisheeye ka wadaan Biyaha Soomaaliya, isla markaana ay ku dadaali doonto Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xeer ilaaliye in kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda dalka uu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, isla markaana ay ka faa’iideystaan dad Soomaaliya u soo Shaqa tegay.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaaliya ibay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: