Hay’adda Duulista Rayidka oo war kasoo saartay Shaqo joojinta Shirkaddaha duulimaadyada

Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa war kasoo saartay eedeyn maanta uga timid Shirkaddaha Duulimaadyada dalka oo ku dhawaaqay maalinta berri ah shaqo joojin.

Hay,adda ayaa beenisay in badqabka Ammaanka Garoonada dalka ay ka jiraan wax caqabad ah.

“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).
HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah”

Hay,adda ayaa intaasi kusii dartay “Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso”

Guddiga Maamulka diyaaradaha ayaa sheegay in laga bilaabo berito ay joojiyeen dhammaan duulimaadyadii gudaha dalka dalka.

Guddiga, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan hubanti la’aanta amniga diyaaradaha.

Maamulka diyaaradaha ayaa sheegay in hay’adda duulista rayadka ay ku guul dareysteen xaqiijinta amniga garoomada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com