Taalibaan oo amarro kusoo rogtay goobaha lagu jarto timaha

HomeWararka

Taalibaan oo amarro kusoo rogtay goobaha lagu jarto timaha

Kooxda Taalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobolka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan. Waxay sheegeen in

Ayax farabad oo ku habsaday deegaano katirsan gobolka Hayland (dhegayso)
Golaha iskaashiga waddamada Khaliijka oo soo dhaweyeey Heshiska kenya & Soomaaliya
Xeerkii Matalaada Gobolka Banaadir oo la ansixiyeey

Kooxda Taalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobolka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan.

Waxay sheegeen in tallaabadan ay kasoo horjeedo shareecada Islaamka.

Booliska Afghanistan waxay sheegeen in qof kasta oo jebiyay xeerkan mamnuucaya gar xiiridda tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale xarumaha timaha lagu jarto ee ku yaalla caasimadda Kabul waxay dhankooda sheegeen in amarradan lasoo gaarsiiyay si ay u dhaqangeliyaan.

Amarradan waxay muujinayaan in kooxda ay dib usoo celisay xeerarkii adkaa xilliggii hore ay awoodda hayeen inkasta oo markii ay dhawaan qabsadeen Afghanistan ay sheegeen in xeerar dabacsan ay ku dhawaaqi doonaan marka ay xukuumadda soo dhisaan.

Tan iyo markii ay talada qabteen bishii lasoo dhaafay, Daalibaan waxay fuliyeen tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka kasoo horjeeda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: