Golaha iskaashiga waddamada Khaliijka oo soo dhaweyeey Heshiska kenya & Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga ee Wadamada Carabta ee Khaliijka, Dr. Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ee ah in dib loo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey labada dowladood.

Dr. Nayef Falah ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tallaabadani, waxaana uu sheegay inay wanaag iyo barwaaqo u horseedi doonto shucuubta labada dal, laguna gaari doono nabadgelyo iyo xasillooni dhexdooda ah.

Wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo dhexdhexaadinta Dowladda Qatar ay ka dhex wado Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya iyadoo la isku xirayo aragtida iyo dhisidda ujeedooyinka xiriirka labada dal, taas oo sare u qaadi doonta amniga caalamiga, xasilloonida iyo nabadda.

Dalal badan oo Afrika iyo Carabta kamid ah ayaa siweyn u soo dhaweeyay in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo ceshadeen xiriirka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com