Wasiir Jamal: ”Khilaafka Igala Dhexeeya Madaxdweyne Deni  Waa Mid Dhaqaale Iyo Arrimo Siyaasadeed”

HomeWararka

Wasiir Jamal: ”Khilaafka Igala Dhexeeya Madaxdweyne Deni Waa Mid Dhaqaale Iyo Arrimo Siyaasadeed”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumad Federalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya madaxda maamul goboleedka Pun

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Garoowe gaaray (Sawiro)
Warka Caweysin, Deeqo Ladan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Barnaamijka Badbaado: Qeybta 2aad Doorka dhallinta ee Nabadeynta & Dimoqraadiyenta Dalka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumad Federalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya madaxda maamul goboleedka Puntland.

Jamaal Maxamed Wasiirka Qorsheynta oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Garowe ayaa xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe xarunta maamulka Puntlnad waxana uu sheegay in khilaafka kala dhexeeya madaxda Puntland ay salka ku hayaan arrimo dhaqaale iyo mid siyaasad.

“Madaxda Mamulka Puntland waxa aan isku khilaafnay arrimo la xiriira dhaqaalaha iyo weliba siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay si gaar ah u doonayaan mashaariic iyo qandaraasyo in aan siiyo iyo inaan shaqo u raadiyo dad ehel dhaw ayyihiin,horumarka Puntland iyo waxbarashada la igalama soo hadlin” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Qorsheynta oo ku tilmaamay madaxda Puntland inay yihiin qowlaysato ayaa ku eedeeyay in aragtiyadooda siyaasadeed ay ku foorarto oo kaliya doorashada dalka.

“Aragtida siyasadood waxa kaliya oo ay ku salaysan tahay mid dhow oo ah mid la xiriirta kaliya doorasho,madaxda Puntland.”ayuu sii raaciyay.

Wasiir Jamaal ayaa hadalkiisa ku xusay inuu doonayo in uu dib ugu laabto kursiga golaha shacabka.

“Qof ahaan waxa aan doonayaa in aan dib ugu soo laabto xubinta Beesheyda balse waxaa jirto gacmo-gacmeen badan, Odoyaasha aan is heyno waxa aan leeyahay yaan isku soo degdegin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Jamaal.

Wasiirka Qorsheynta Dowlada Federalka Jamaal Maxamed Xasan ayaa kala kulmay maamulka Puntland soo dhoweyn la’aan kadib markii uu booqasho uu ku tegey deegaanka Dhahar ee uu ka soo jeedo waxana gelinkii dambe ee shalay loo diiday ilaaladii la socotay inay gudaha u soo galaan magaalada Garowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: