Faahfaahin: Qaxii Muqdisho iyo Khasaarihii ka dhashay

HomeWararka

Faahfaahin: Qaxii Muqdisho iyo Khasaarihii ka dhashay

Waxa ay Faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa qaraxii xoogganaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta oo ku dhaw xarunta madaxtooyda, waxaana qa

Qardho Arday dhamaysay Xifdinta Quraanka Kareemka ah oo shahaadooyin la gudoonsiyay (dhegayso)
Dowladda Maraykanka oo kordhinaysa ciidamadeeda ku sugan Bariga Dhexe
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Waxa ay Faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa qaraxii xoogganaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta oo ku dhaw xarunta madaxtooyda, waxaana qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay agagaarka Koontaroolka Madaxtooyada ee baabuurta lagu hubiyo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha, waxaana la sheegaya in gawaari wadada marayay ay waxyeelo xooggan soo gaartay.

Gaariga qarxay ayaa si dhab ah loo ogeyn nuuca u ahaa, waxaana uu gebi ahaanba gaariga noqday mid burburay, waxaana wararka qaar sheegayaan in qof uu waday gaariga oo bartilmaameedsaday gawaarida kale ee ku jiray wadada aada Madaxtooyada.

Qiic iyo uuro ayaa goobta hareeyay iyo burburka ka dhashay qaraxa, iyadoo la arkayay gawaari gubanayay.

Ciidamada Booliska ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, iyadoo aan weli kala caddeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.

Uguyaraan 8 qof ayaa ku dhinta halka ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo uu kujiro askari katirsan ciidamada nabadgalyada waddooyinka qaraxii manata ka dhacay waddada Ceelgaabta, sidookale waxaa ku basbeelay qaraxan hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay sidaasi waxaa Warbaahinta usheegay Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxan.

Sawirro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: