MUQDISHO: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Qiic iyo uuro ayaa la arkayay, iyadoo wararku sheegayaan qaraxa uu ka dhacay dhinaca Beerta Nabadda dhanka Koontaroolka Ceelgaabta ee lagu hubiyo baabuurta aada Madaxtooyada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha, wuxuuna qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay Muqdisho ka yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qa.rxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com