Faahfaahin: Qaxii Muqdisho iyo Khasaarihii ka dhashay

Waxa ay Faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa qaraxii xoogganaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta oo ku dhaw xarunta madaxtooyda, waxaana qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay agagaarka Koontaroolka Madaxtooyada ee baabuurta lagu hubiyo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha, waxaana la sheegaya in gawaari wadada marayay ay waxyeelo xooggan soo gaartay.

Gaariga qarxay ayaa si dhab ah loo ogeyn nuuca u ahaa, waxaana uu gebi ahaanba gaariga noqday mid burburay, waxaana wararka qaar sheegayaan in qof uu waday gaariga oo bartilmaameedsaday gawaarida kale ee ku jiray wadada aada Madaxtooyada.

Qiic iyo uuro ayaa goobta hareeyay iyo burburka ka dhashay qaraxa, iyadoo la arkayay gawaari gubanayay.

Ciidamada Booliska ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, iyadoo aan weli kala caddeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.

Uguyaraan 8 qof ayaa ku dhinta halka ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo uu kujiro askari katirsan ciidamada nabadgalyada waddooyinka qaraxii manata ka dhacay waddada Ceelgaabta, sidookale waxaa ku basbeelay qaraxan hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay sidaasi waxaa Warbaahinta usheegay Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxan.

Sawirro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com