MUQDISHO: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada

HomeWararka

MUQDISHO: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Qiic iyo uuro ayaa la arkayay, iyad

Bilayska Gobolka Nugaal oo Taliye Cusub Loo Magacaabay (Akhriso)
Muqaalka Bulshadda: Shacabka Puntland oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Baxsashadda Wasiir Janan
Mareykanka, UK iyo France oo duqaymo ku qaaday Suuriya, xiisadda kiimikada

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Qiic iyo uuro ayaa la arkayay, iyadoo wararku sheegayaan qaraxa uu ka dhacay dhinaca Beerta Nabadda dhanka Koontaroolka Ceelgaabta ee lagu hubiyo baabuurta aada Madaxtooyada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha, wuxuuna qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay Muqdisho ka yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qa.rxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0