Mareykanka, UK iyo France oo duqaymo ku qaaday Suuriya, xiisadda kiimikada

Mareykanka, France iyo UK ayaa saakay qaaday duqayn dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen sadex goob oo looga shakisanyahay hubka kiimikada ee la isticmaalay Suuriya inay yaaliin.

Talfishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay dhowr gantaal inay soo rideen.

Madaxwaynaha Trump ayaa khudbad uu ujeediyay shacabka dalkiisa sheegay howlgallo ay si wadajir ah u fulinyaan Mareykanka, Farnce iyo UK inuu socdo.

Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlayaa meel ku dhow caasimadad Suuriya ee Dimishiq.

Ruushka ayaa ku hanjabay inay cawaaqib ka dhalan doonto weeraradan, masuuliyaddana ay qaadi doonaan dowladaha Mareykanka, France iyo UK.

Walaaca wayn ee jira ayaa xiisadda Suuriya inay abuurtay dagaalkii sadexaad ee adduunka oo mar kalle caalamka uu ka qarxo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com