Faransiiska oo u yeertay Safiiradii ka Joogay Maraykanka Iyo Australia

Faransiiska oo u yeertay Safiiradii ka Joogay Maraykanka Iyo Australia

Dowladda Faransiiska ayaa sheegay inay dib ugu yeerayaan safiirradoodii Mareykanka iyo Australia si ay wadatashi ula yeeshaan, kadib markii ay heshiis amni gaareen dowladaha Maraykanka,Australia iyo weliba UK.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegay in go’aanka ay gaareen uu yahay mid ka dhashay xaalada adag ee ka soo cusboonaaday arrimaha ammaanka.

Isbahaysi ay sameysteen saddexda dal ee Maraykanka,Australia iyo Uk ayaa loogu magac daray Aukus,waxana Australa laga caawinayaa sameysashada gujisyada quwadda nukliyeerka ku shaqeeya.

Tallaabadan ayaa ka caraysiisay Faransiiska kadib markii ay meesha ka saartay heshiis balaayiin dollar ah oo ay Australia la gashay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com