BOOSAASO: Booliiska oo digniin udiray ganacsatada qaar

BOOSAASO: Booliiska oo digniin udiray ganacsatada qaar

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo kormeer amni u tegay Saldhigyada Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa digniin u diray dadka isticmaala & kuwa ka Ganacada Maandooriyaha Khamriga.

Waxaa uu sheegay Taliyaha inay jiraan dad Magaalooyinka kala duwan ee Puntland Khamriga kasoo geliya Magaalada Carmo, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo baahan yahay inay joojiyaan.

Ugu dambeyn Taliye Cali oo kulamo looga hadlayay amniga la qaatay saraakiisha Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono kuwa isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo ku qabatay Gaadiid siday waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo Goobo fagaarayaal ah lagu gubay, sidoo kalena dad loo maxkamadeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com