MUQDISHO  & SIDA MAANTA LOOGA CIIDAY (SAWIRRO)

HomeWararka

MUQDISHO & SIDA MAANTA LOOGA CIIDAY (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga Ciiday Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo, iyada oo Masaajida iyo Goob

Muuqaalka Bulshada ee Radio Daljir: Cudurka ‘Snapchat dysmorphia’ ee laga qaado baraha bulshada iyo aragtida dadweynaha (dhagayso)
Madaxweyne Deni oo Haygooda Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo RW Hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax
Mid kamid ah Beelaha Gobalka Bari oo war-saxaafadeed kasoo saaray kala soohdinta Degmooyinka Puntland

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga Ciiday Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo, iyada oo Masaajida iyo Goobaha fagaaraayaasha lagu dukaday salaada Ciida.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayay Maanta dadka ku dukadeen salaada Ciida, waxaana looga bartay inay kala qeyb galaan Madaxda sare ee dowladda balse Ciidan aysan tegain.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho ayaa saxmad ahaa saaka, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan , kuwaas oo badankood sawiro ku galaya si ay ugu soo bandhigan baraha Bulshada.

Dhinaca kale waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka qaarkood kuwaas oo awoodi waayay waxyaabihii muhiimka u ahaa Maalmaha Ciida, waxaana madaxda dowladda ay ku baaqeen in dadkaasi la caawiyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: