Madaxweyne Deni oo Haygooda Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo RW Hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax

Madaxweyne Deni oo Haygooda Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo RW Hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo arrimo shaqo u jooga dalka Kenya, gar ahaan magaalada Nairobi ayaa hoygooda ku booqday Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee masuuliyiintan ayaa daaranayd salaan walaalnimo, wada dhalasho, xog-waraysi guud iyo ka warqabka musuuliyiintan oo doormuhiima ka qaatay dhismihii dowladda Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Abshir Faarax oo soo noqday Safiirada Dalalka Jabaan iyo Jarmalka u qaabilsanaa Soomaaliya ee xiligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa mudooyinkii dambe xanuunsanayey Madaxweynaha Puntland oo hoygiisa ku booqdey ayaa Alle caafimaad uga rajeeyey, isla markaana Madaxweyne Deni ayaa hoygiisa salaan iyo u kuurgelid xaladdiisa ugu tegey Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Tani waa talaabo ka mida oofinta balanqaadyadii Madaxweyne Deni ee maalinkii xilwareejintii Madaxweynaha Janaayo, 14, 2019. Khudbad muhiima oo uu jeediyey Madaxweynuhu ayuu ku sheegay inay si dhow ula shaqayndoonaan Madaxdii dalka soo maamushay, isla markaana uu si dhow uga warqabidoono, talo ahaan, iyo nolol ahaanba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com