HOWLGALO KASOCDA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE

Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Holwalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow ayaa waxaa ay sigaar ah Ciidamada uga sameeyeen degaanka Cadcadeey ee duleedka fog ee Magaalada Marka, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu qeyb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM waxaa ay bartilmaameedsadeen goobo lagu tuhmayo inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo baaritaan guri guri ah ka sameeyay.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab, isla markaana uu sii socon doono.

Howlgalkaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Marka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar ay Al-Shabaab weeraraan fariisimaha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com