Madaxweyne Qoorqoor oo Gaalkacyo Gaaray

HomeWararka

Madaxweyne Qoorqoor oo Gaalkacyo Gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Socdaalkiisa

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland oo Degmooyinka Puntland Mashaaric kawadda (dhegayso)
Ciidamadda Amniga Qardho oo xiray nin lagu eedeyeey kufsiga gabar yar (Daawo)
Marwo Caasho Geele: “Waxaa xalay ka dhacay Garoonka Cawaale iyo magaalada fal foolxun …”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Socdaalkiisa ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga ee deegaano ka mid ah Galmudug iyo howlgallo la filayo in dhowaan ka bilowdo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib dagaalkii Al-Shabaab ku soo qaadeen Wisil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Qoorqoor uu gaaro magaalada Wisil oo dhawaan uu ka dhacay dagaal xoog leh oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgalay shirka ay yeesheen Madaxda Madasha Qaran.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: