Madaxweyne Qoorqoor oo Gaalkacyo Gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Socdaalkiisa ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga ee deegaano ka mid ah Galmudug iyo howlgallo la filayo in dhowaan ka bilowdo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib dagaalkii Al-Shabaab ku soo qaadeen Wisil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Qoorqoor uu gaaro magaalada Wisil oo dhawaan uu ka dhacay dagaal xoog leh oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgalay shirka ay yeesheen Madaxda Madasha Qaran.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com