Guddoomiyaha gobalka Bari oo degmadda Ufayn ka daahfuray imtaxanaadka Shaahadiga ah (Sawiro)

Guddoomiyaha gobalka Bari oo degmadda Ufayn ka daahfuray imtaxanaadka Shaahadiga ah (Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa maanta degmada Ufeyn ka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Gudoomiye Cabdisamad Abwaan, oo ka hadlay munaasabadda lagu daah-furayay Imtixaanka ayaa Ardayda u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo Imtixaanka isagoona kula dar-daarmay Ardayda in ay natiijo wanaagsan kasoo hoyaan Imtixaanka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Ardayda waxa u balan qaaday in labada Ardey ee Imtixaanka u sareeya u ka bixin doona Dugsiga Sare Iyo Jaamacada.

Guddoomiyaha ayaa daah-furka Imtixaanka waxa kala qeyb galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Ufeyn Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Maamulka Waxbarashada Degmada Ufeyn, Iyo Aqoon yahanka Degmada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com