NUSOJ oo soo gabagabeysay tababar ku saabsan Amniga iyo Badqabka Saxafiyiinta inta lagu gudo jiro Doorashada. (Sawiro)

NUSOJ oo soo gabagabeysay tababar ku saabsan Amniga iyo Badqabka Saxafiyiinta inta lagu gudo jiro Doorashada. (Sawiro)

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeeyay tababar labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo socday kaasi oo xooga lagu saarayay Amniga iyo Badqabka Saxafiyiinta inta lagu gudo jiro Doorashada.

Tababarkan ayaa waxaa ka faa’ideystay wariyaal ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Wariyayaasha ka qeybgalay tababarkan ayaa qaatay duruus ku saabsan Amniga iyo Badqabka Saxafiyiinta inta lagu gudo jiro Doorashada, waxaana tababarka bixinayay khabiir iyo wariye sare Yusuf Hassan Isaaq.

Aqoon isweydaarsigani ayaa qeyb ka ah tababarro dhawr ah oo Ururka uu dhowaanahanba uga faa’ideynayay wariyaasha Soomaaliyeed si sare loogu qaado aqoontooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com