RW Rooble oo Kulan Muqdisho kula qaatay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka (Sawiro)

HomeWararka

RW Rooble oo Kulan Muqdisho kula qaatay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka (Sawiro)

Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan laqaatay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka (Sawiro)
Arday gaaraysa 1,014 oo imtixaanka dugsiga Sare u fadhiisatay

Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: