DOWLADDA OO PUNTLAND IYO JUBBALAND KU EEDEYSAY IN AY DIIDEEN KA QEYB GALKA SHIRKA MUQDISHO (Akhriso)

HomeWararka

DOWLADDA OO PUNTLAND IYO JUBBALAND KU EEDEYSAY IN AY DIIDEEN KA QEYB GALKA SHIRKA MUQDISHO (Akhriso)

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuuma

Madaxwayne Farmaajo oo ku waajahan Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug (dhegayso)
BOOSAASO: Ciidan kasoo goostay PSF oo ay dowladdu sheegaty inay soo dhaweysay (Sawirro)
ARDAA Xalqaddii 72aad: Xasilinta Caabudwaaq iyo qaadista Lacagta Shiling Somaaliga (dhegayso)

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir ay ka qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlada federalka.

“Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa baaq loogu direy madaxda dowlad goboleedyada ee aan weli aqbalin ka soo qeybgalka shirka ee Puntland iyo Jubbaland.

“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxda seddaxda maamul goboleed ee Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed ayaa ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0