Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shir Aalada Fogaan araga kula qaatay mas’uuliyiin Sar

Ciro oo mar kale loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban
Waa Sidee Xaaladda Bossaso Kaddib Qarixii Xalay?
Gen Townsend: ”Al-Shabaab waxaa uga daran Soomaaliya waa Muddo Kororsiga”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shir Aalada Fogaan araga kula qaatay mas’uuliyiin Sar Sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka iyo Horumarinta dowladnimada dalka Soomaaliya

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya ‘Doorashooyinka Qaranka’ la yeelnay masuuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka ayuu yiri” Wasiir Beeyle.

Sidoo kale Wasiir Beyle s ayaa sheegay inay ka go’aan tahay in siwadajir ah uga wada Shaqeeyaan howlaha lagu Horumarinayo hanaanka Dowladnimada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dadaal ugu jirto sidii lagu heli lahaa dhaqaalaha doorashooyinka dalka oo weli uu muran xoogan ka taagan yahay, iyada oo Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare Rooble uu Beesha Caalamka Arrintaasi uu kala hadlay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: