Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Midowga musharixiinta

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Midowga musharixiinta

Kulan Muhiim ah oo Muqdisho ay ku yeesheen Midawga Musharrixiinta iyo madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa looga hadlay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada midawga Musharrixiintu ay ku doonayaan in dalka uga dhacdo doorasho ay dhammaan dhinacyadu ay isla oggolyihiin oo horseed u noqoto in natiijada kasoo baxdo lagu wada qanco.

Kulan todobaabkii hore ay Muqdisho ku yeesheen midawga musharrixiinta oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, beesha caalammka iyo guuddoonka baarlamaanka ayaa looga arrinsaday sida loo qaban karo doorasho dalka u horseedda horumar iyo barwaaqo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com