Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka xun tahay go’aankii dowladda Soomaaliya

HomeWararka

Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka xun tahay go’aankii dowladda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa si kooban uga hadashay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdish

Bilicda Dhismaha Cusub ee Wasaradda Haweenka Shaqo Ha Lagu Daro (Sawirro)
Xulashada Daljir & Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)
Abshir Maxamed Cismaan oo ku guulaystay doorashada Xildhibaan heer degmo ee Sweden (dhegayso)

Dowladda Kenya ayaa si kooban uga hadashay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho Lucas Tumbo, isla markaana u yeeratay Safiirkeeda joogay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ka xun tahay go’aankaas, isagoo balan-qaaday in labada dal ay si diblomaasiyad uga hadli doonaan go’aankaas.

“Waxaan si rasmi ah uga jawaabi doonnaa wadiiqooyinka ku habboon dhowaan”ayuu yiri Macharia Kamau oo la hadlayay Wargeyska Dailynation.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid aad u xumaa, iyadoo horaantii sanadkii 2019 ay dowladda Kenya ku amartay Safiirka Soomaaliya ee joogay Nairobi uu dalkiis wadatashi ugu laabto, halka Safiirkeeda u yeertay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: