Kulankii Barlamaanka Puntland oo buuq ku soo idlaaday

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay wehlinayeen, ku xigeenka 1aad Cabdi Casiis Cabdullaahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa la Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-tegay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange., hayeeshee kulanka lagu kala tegay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Xildhibaano ka codsadeen in uu saxaafadda bannaanka uga saaro, iyaga oo sheegey in doonayeen in ay u gudbiyeen cabasho ay ka qabeen hoggaanka Golaha, hase Guddoomiyaha ayaa ka diiday, waxaana markii danbe booq ka dhashay arrintaasi ay sababtay lagu kala dareero fadhiga Golaha ee Maanta.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka sheegay Goobta in uu hakiyey fadhiga sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ka dib markii sida uu sheegay ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada Golaha.

Waxyaabaha ugu daran ee dhaliyay khilaafka sababay in lagu kala tago kulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in uu daba socdo Hashiiska Puntland ay kula jirto Shirkada DP world.

Maalin ka hor ayaa Baarlamaanka Puntland Cod gacan taag ah ku an sixiyeen in xuukamadda looga dambeeyo Arrimaha DP World oo Xildhibaannada qaar ay sheegeen in aysan waxba ka qaban dekadda Magaalada Boosaaso.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com