Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose.

Kooxo hubaysan oo afka so duubtay ayaa magaalad Gaalkacyo ku toogtay xalay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee magaaladda Gaalkacyo.

Ciidamada Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan oo afka duubtay ay xalay toogasho ku dileen marxuumka, oo ka tirsanaa Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Saraakiish waxay sheegeen, in Kooxdii weerarka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana aysan Ciidanka u suurta-gelin in gacanta lagu soo dhigo.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi loo gaystay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, sida ay qortay warbaahinta Al-shabaab ee afkooda ku hadasha.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com