Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray RW cusub ee Somaaliya

Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray RW cusub ee Somaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”

Madaxweyne Deni waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Alle “SWC” u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com